Juventus oo ku dhaw inay dib u hesho Andrea Barzagli

(Torino) 07 Dis 2016 Kooxda Juventus ayaa ku dhaw inay dib u hesho daafaceeda Andrea Barzagli kadib dhaawicii soo gaaray bishii hore.

Andrea Barzagli ayaa dhaawac dhanka garabka ah looga saaray kulankii Chievo oo Juventus ay 2-1 uga adkaatay bishii hore.

Xiddigaan ayaa la qorsheeyay inuu kooxda dib ugu soo laabto bisha janaayo markaas oo la filayay inuu si buuxda uga soo caafimaadi doono dhaawiciisa.

Laakiin TuttoSport ayaa daaha ka qaaday in Andrea Barzagli uu tababarka dib ugu soo laabtay isla markaana ay suurogal tahay inuu ka qayb noqdo kulanka Roma ee 17-da bishaan.

barzagli

Wararka ayaa intaa ku daraya in haddii Barzagli aysan u suurogalin inuu ka soo muuqdo kulanka Roma ay xaqiiqo noqon doonto inuu ciyaari doono kulanka Super Cup-ka talyaaniga ee Juventus ay 23-ka bishaan Doha kula ciyaari doonto kooxda AC.Milan.

Warkaan ayaa ah mid u wanaagsan tababare Allegri kaas oo ka walwalsanaa dhaawaca soo gaaray Leonardo Bonucci kaas oo garoomada ka maqnaan doona 6 ilaa 8 isbuuc.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close