CL- Group E: Bayer Leverkusen oo guul ka gaartay Monaco kuna soo baxday kaalinta labaad, xilli Tottenham ay ku dhammaysatay kaalinta 3-aad… + SAWIRRO

(Yurub) 08 Dis 2016 – Kulanka ka tirsan guruubka E ee Champions League ayaa la ciyaaray, kaasoo la soo gabagabeeyey heerkiisa guruubyada, kooxda Bayer Leverkusen ayaa xaqiijisatay inay ku soo baxday kaalinta labaad, iyadoo Monaco ay iyaduna horay u xaqiiqsatay inay ku soo baxday kaalinta koowaad.

Bayer Leverkusen ayaa 3-0 kaga adkaatay Monaco oo kol hore xaqiiqsatay inay ku soo baxday kaalinta koowaad ee guruubkan E, waxaana Leverkusen goolasha saddexda ah u kala dhaliyey 30’daqiiqo Vladlen Yurchenko, 48’daqiiqo Julian Brandt iyo 82’daqiiqo oo uu own goal iska dhaliyey Morgan De Sanctis.

Dhinaca kale waxaa kulan ka tirsanaa isla qeybtan E ee guruubyada Champions League uu dhexmaray kooxaha Tottenham Hotspur iyo CSKA Moscow, kooxda reer England ayaana ku qadkaatay kulanka 3-1, waxaana ay xaqiiqsatay inay ku dhamaysatay kaalinta saddexaad.

Spurs ayaa goolka looga naxsaday waxaana 33’daqiiqo ugu shubay Alan Dzagoev, iyadoo saddexda goolna ka kala heshay 38’daqiiqo Dele Alli, 45’daqiiqo Harry Kane iyo gool iska dhalis ah oo ay ka heshay 77’daqiiqo Igor Akinfeev.

e

SAWIRRO:

czgd2g6xuaaxtkn

czgd3bbweaaumuc

czgd08oxcaa0jln

czgd39mxuayqwb6

czgtgx3xuaa7bpr

czgtgx7xuaajizb

czgtgxrxgaeo2ck

czgtgxwxuaujkh8

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close