Borussia Dortmund oo noqotay kooxdii ugu horreysay ee heerka guruubyada Champions League ka dhalisa….

czgvs6excaayglg

(Madrid) 08 Dis 2016 – Kooxda Borussia Dortmund ayaa kulan ka tirsan heerka guruubyada Champions League barbaro 2-2 la gashay Real Madrid oo ay marti u ahayd, waxaana ay ku soo baxday kaalinta koowaad ee guruubka F.

Real Madrid ayaa goolasha la horreysay waxaana labada goolba u dhaliyey weeraryahankeeda Karim Benzema, laakiin Borussia Dortmund ayaa labada gool ee ay ku barbaraysay ciyaarta ka kala heshay Pierre-Emerick Aubameyang iyo Marco Reus.

Labadaas gool oo ay Dortmund ka dhalisay kooxda Real Madrid ayey taariikh cusub ku samaysay, waxaana ay noqotay kooxdii ugu horreysay ee 21 gool ka dhalisa heerka guruubyada Champions League xilli ciyaareedkan 2016-17, waxaana ay ka dhalisay 21 gool.

czgp2atxcaaxly1

Kooxaha goolasha ugu badan ka dhaliyey heerka guruubyada Champions League xilli ciyaareedkan:-

Dortmund (21)

Barcelona (20)

Arsenal (18)

Real Madrid (16)

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close