Alexis Sanchez oo loo soo bandhiga mushaar aad u qaali ah si uu uga soo tago Arsenal

alex

(London) 07 Dis 2016. Sida uu warinayo warsidaha Daily Mirror ee ka soo baxa dalka Ingiriiska in dhaliyaha Arsenal Alexis Sanchez loo soo bandhigay mushaar dhan usbuuciiba 400,000 si uu uga soo tago Arsenal una yimaado Shiinaha.

Xiddiga reer Chile ayaa waxaa uga harsan heshiiska uu kula joogo Gunners 18-bilood wuxuuna ku jiray waayahan wada hadalo qandaraaska loogu kordhinayo.

RUMOURS: Alexis offered £400,000 a week to leave Arsenal

Sanchez ayaa iminka mushaar ahaan u qaata usbuuciiba 130,000 waxaana la warinayaa inuu doonayo in sare loo qaado mushaarkiisa lagana mid dhigo kuwa ugu mushaarka badan Premier League si uu u qaato in ka badan 200,000 oo bound usbuuciiba.

Juventus iyo Man City ayaa sidoo kale xiiseynaya Alexis inkastoo labada kooxoodba aysan awoodin inay bixiyaan mushaar la mid ah midka ay soo bandhigeen horyaalka Shiinaha.

Arsenal ayaa durba bilowday inay sii qiimeyso xiddigaha suuro galka ah inay u badalaan booska Sanchez iyadoo si gaar ah u xiiseynayaan xiddiga Dortmund ee Marco Reus.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close