CL- Group D: Bayern Munich oo guul ka gaartay Atletico Madrid, kuna soo baxday kaalinta labaad ee guruubkeeda…+ SAWIRRO

(Yurub) 07 Dis 2016 – Kooxda kubadda cagta Bayern Munich ayaa guul 1-0 ka gaartay Atletico Madrid oo ay marti qaaday kulan ka tirsan gabagabada heerka guruubyada Champions League.

Goolka madiga ah ee kooxda martida loo ahaa ee Bayern Munich ay kaga adkaatay Atletico Madrid, waxaana dhaliyey 28’daqiiqo qeybta hore ee ciyaarta Robert Lewandowski.

Inkastoo ay guul gaartay Bayern Munich, haddana waxa ay kaalinta labaad kaga soo baxday guruubkeeda D, iyadoo leh 12-dhicbood, halka Atletico Madrid oo laga adkaaday kulankan ay ku soo baxday kaalinta koowaad iyadoo haysta 15-dhibcood.

Dhinaca kale kooxaha PSV Eindhoven iyo FC Rostov ayaa kulankii ay dheeleen ku kala tagay barbaro goolal la’aan 0-0.

SAWIRRO:

1

2

3

4

5

6

7

8

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close