CL- Group C:  Kooxda Barcelona oo xaaqday Borussia Moenchengladbach, iyadoo uu saddexleey u saxiixay Arda Turan, xilli Man City ay barbaro la gashay Celtic… + SAWIRRO

(Yurub) 07 Dis 2016 – Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa 4-0 xaaqday Borussia Moenchengladbach oo marti u ahayd iyadoo uu saddex jeer shabaqa soo taabtay Arda Turan, dhinaca kalena Man City ayaa barbaro 1-1 la dhaafi waysay  kooxda Celtic.

Barcelona ayaa goolka la horreysay waxaana u daah furay 16’daqiiqo Lionel Messi, sidaas ayaana lagu kala nastay Barca oo ciyaarta ku hoggaaminaysa 1-0.

Qeybtii labaad ee kulankan markii dib la isugu soo laabtay Barcelona ayaa la timid saddex gool oo kale waxaana saddexaad gool u wada dhaliyey 50’daqiiqo, 53’daqiiqo iyo 67’daqiiqo Arda Turan, kulanka ayaana ku soo dhammaaday 4-0 ay ku adkaatay kooxda reer Spain ee Barcelona, iyadoo 15’dhibcood kaga soo baxday kaalinta koowaad ee guruubkeeda.

Dhinaca kale kooxda Manchester City ayaa barbaro 1-1 la gashay naadiga Celtic oo marti u ahayd, waxaana ay ku soo baxday kaalinta labaad ee guruubkan C.

Man City ayaa goolka looga horreeyey waxaana ugu shubay 4’daqiiqo bilowgii ciyaarta Patrick Roberts, laakiin afar diqiiqo kaddib goolkaas waxaa Sky Blue u barbareeyey Kelechi Iheanacho, kulanka ayaana sidaas ugu soo dhammaaday barbaro 1-1.

SAWIRRO:

czbg-rfwqaar1zd

czbinbfwiaa8_sk

czbknydwqacnxyk

czbknyfwiaaijsl

czbknyfwqaagt-x

czbknymwgaayzsw

czbktbgwqaa_y-h

czbku64w8aajgag

czbkv4xxaaa7i4g

czbtgprwqae_9ru

czbtha3wgaa3qor

czbtnnkweaalbtj

czbtozdxeaangkv

czbuj6-w8aael_t

czbvev5w8aai0jm

czbvflsxaakd57t

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close