Brazil iyo Colombia oo ciyaaraya kulan saaxiibtinimo oo u jeedo gaar ah laga leeyahay

bra

(Brazil) 06 Dis 2016. Xulka Brazil ayaa ka casuumay Colombia kulan saaxiibtinimo oo lacagaha ka soo baxa loogu deeqi doono dadkii ku le’day diyaaradii bur-burtay oo ay ku jireen xiddigaha kooxda Chapecoense ee ka dhisneyd dalkaasi Brazil.

“Fikrada waa in kulanka aan la yeelaneyno Colombia.” Sidaa waxaa yiri mid u hadlayay xiriirka kubbada cagta Brazil.

“Laakiin ma garaneyno haddii ay awoodi doonaan inay yimaadaan sababo la xiriira taariikhaha.

Brazil hope to play a friendly against Colombia to benefit Chapecoense victims

“Laakiin kulan saaxiibtinimo ayaa dhici doona oo aan qof la yeelan doono haddii ay Colombia noqon wayso, sida cad 22-ka janaayo amaba 25-ka janaayo.

“Lacagaha ka soo baxa kulanka waxaa loo diri doonaa qoysaska ciyaartoyda, shaqaalaha iyo kuwa ku lug lahaa Chapecoense kuwaa oo shilka ku geeriyooday.”.

Sidoo kale xiriirka kubbada cagta dalka Brazil ayaa ugu deeqi doona kooxdii ku maratay diyaaradii bur-burtay adduun dhan 1.1 milyan oo bound si ay markale cagaheeda ugu istaagto.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close