“Waa inaan kalsooni muujinaa kulanka Atletico Madrid” – Carlo Ancelotti

(Munich) 05 Dis 2016 Tababaraha kooxda Bayern Munich ee Carlo Ancelotti ayaa ka hadlay kulanka kooxdiisu ay marti qaadi doonto Atletico Madrid habeen dambe.

Atletico ayaa ka saraysa dhigeeda Bayern Munich 6-dhibic, waxaana xusid mudan inay guul ka soo gaartay is aragoodii hore ee wareega guruubyada.

Ancelotti ayaa kula taliyay ciyaartoydiisa inay soo muujiyaan kalsooni dheeraad ah kulanka habeen dambe kadib labadii guul ee ay ka soo hooyeen horyaalka.

“Waa inaan inbadan ku kalsoonaanaa nafteena kulanka Atletico Madrid, kadib labadii guul ee aan ka soo hooynay horyaalka” ayuu yiri Carlo Ancelotti.

Ancelotti

“Kooxdu waxay awoodaa inay u ciyaarto qaabab kala gadisan oo tayo leh, qaab ciyaareedkeena kulan walba waa mid ku xiran kooxda aan la ciyaarayno”.

“Xoogaa isbadal ah ayaan ku samayn doonaa shaxda kooxda, waxaan doonayaa inaan ku soo bilaabo ciyaaryoy cusub”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close