Meyman oo kasoo kabsaday dhaawicii soo gaaray

(Muqdisho)04 Dis 2016. Kabtanka kooxda Jeenyo Maxamuud C/nuur Meyman oo la hadlay Gool FM  ayaa ka warbixiyay xaaladiisa caafimaad,  xilli uu dhaawac ku seegay laba kullan.

Garabkii hore kooxda SITT Daalo Maxamuud  Meyman ayaa sheegay in xaladiisu ay  iminka aad u wanaagsan tahay waxa uuna hoosta ka xariiqay in uu diyaar u yahay kullanka soo aaadan ee Dekedda.

 “ Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan kasoo kabsado dhaawicii  isoo gaaray, waxaa dadaal igu bixiyay kooxdeyda Jeenyo iyo xiriirka kubadda cagta Soomaaliya  ayuu yiri xiddiga Meyman.

“ Dhaawaca  waxa uu iga soo gaaray dhabarka, iminka waxaan tababar la sameeyaa qaranka Soomaaliya, xaaladeydu waa ay fiican tahay diyaar ayaana u  ahay kullanka Dekedda ayuu hadalkiisa sii raaciyay kabtanka Jeenyo.

Sikastaba Maxamuud C/nuur Meyman ayaa seegay labadii ciyaar ee ugu horeysay horyaalka Soomaaliya oo ay kooxdiisa bar baraha la dhaafi weysay kooxaha Gaadiidka iyo Heegan.

img_5079

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close