Luciano Spalletti oo la dhacay qaab ciyaareedka kooxdiisa kulankii Lazio

(Roma) 04 Dis 2016 Tababaraha kooxda Roma ee Luciano Spalletti ayaa ka hadlay guushii caawa kooxdiisu ay ka gaartay kooxda Lazio oo ay marti u ahaayeen.

Roma ayaa 2-0 ku khaarijisay dhigeeda Lazio, tababare Luciano Spalletti ayaana aad ula dhacay qaab ciyaareedka kooxdiisa ee kulankii caawa.

57 jirka reer talyaani ayaa sheegay in kadib guusha Lazio kooxdu ay isku diyaarin doonto kulanka AC.Milan oo uu ku tilmaamay mid muhiim ah.

“Xirfad ahaan ma ahayn kulan qurxoon oo lagu raaxaysto, laakiin waxaan soo bandhignay wixii nalaga doonayay, waxaan soo muujinay masuuliyad” ayuu yiri Luciano Spalletti.

“Ugu danbayntii waxaan xaqiijinay hadafkeenii, waxaanan helnay dhibcaha ciyaarta oo dhan, kooxdu qalqal badan ayeey ku abuurtay daafaca Lazio qaybtii dambe ee ciyaarta”.

“Muhiim ayeey ahayd inaan guul ka gaarno Lazio, haatan waa inaan ka fikirnaa kulanka AC.Milan oo soo bandhigaysa xiliciyaareed fiican isla markaana aan isku dhibco nahay”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close