David Luiz hooyadii oo si xun ugu camiratay Sergio Aguero

aguero

(England) 04 Dis 2016. David Luiz hooyadii ayaa baraha bulshada ku weerartay dhaliyaha Man City ee Serigo Aguero kaddib markii uu si xun u jilaafeeyay wiilkeeda kulankii shalay.

Aguero ayaa taako xun saaray Luiz ciyaartii shalay ay Chelsea 3-1 uga adkaatay Man City iyadoo uu falkaa ku muteystay kaarka cas.

Hooyada daafaca reer Brazil ee Regina Célia Marinho ayaa la yaabtay in Aguero uu fal nuucaas ah ku koco isla markaana uu indhaha taago sida Miskiin aan waxba galabsan marka kaarka cas lagu abaal mariyay.

“Ma fahmin wajiga cabsida leh markii uu qaatay kaarka cas! Canuga miskiinka ah waxba ma uusan sameyn.” Sidaas ayay ku soo qortay boggeeda Instagram.

Não entendi a carinha de assustado porque tomou vermelho! Tadinho não fez nada!

A photo posted by Deus é fiel! (@reginamm4) on

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close