Muxuu ka yiri Antonio Conte guushii kooxdiisu ay ku soo gaartay Etihad?

Conte reveals what delighted him most about Chelsea's win at City

(London) 03 Dis 2016 Tababaraha kooxda Chelsea ee Antonio Conte ayaa si dagan uga hadlay guushii kooxdiisu ay galabta ka soo gaartay kooxda Manchester City.

Chelsea ayaa sii xajisatay hogaanka horyaalka kadib guushii 3-1 ee kooxdiisu ay ka soo gaartay mid kamid ah kooxaha kula loolamayay hanashada horyaalka xiliciyaareedkan.

Antonio Conte ayaa muujiyay sida uu ugu faaxsanyahay guusha wuxuuna intaa ku daray in ciyaartu ay ahayd mid u furan labada dhinac ilaa dhamaadkii.

Conte reveals what delighted him most about Chelsea's win at City

“Waxaan rumaysanahay in kulanku uu ahaa mid aad u adag, wuxuu ahaa kulan u furan labada dhinac ilaa dhamaadkii” ayuu yiri Antonio Conte.

“Kooxdaydu waxay soo muujisay shaqsiyad cajiib ah taasina waxay muhiim u tahay inaan horay u sii socono laakiin waa inaan sii wadnaa shaqada iyo hormarka”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close