LA LIGA: Kooxaha Barcelona iyo Real Madrid oo dhibcaha ku qeybsaday garoonka Camp Nou kulankii El Clasico… + SAWIRRO

(Barcelona) 03 Dis 2016 – Kooxaha Barcelona iyo Real Madrid ayaa kulankii El Clasico ee ku dhexmaray garoonka Camp Nou dhibcaha ku kala qeybsaday kaddib markii ay galeen barbaro 1-1, iyadoo labada dhinac ay bilowgii ciyaarta si wadajir ah hiillo ugu muujiyeen naadiga Chapecoense oo ku maratay shilkii diyaaradeed ee Isniintii.

Kubbad laadka horta ahayd oo uu Neymar dadab ka soo qaaday ayaa waxaa 53’daqiiqo madax ku dhaliyey Luis Suarez, sidaas ayeyna hoggaanka ciyaarta ku qabatay Barcelona.

Neymar ayaa la bedelay waxaana uu u muuqday mid dhaawac muruqa bowdada ah uu soo gaaray, waxaana lagu bedelay 87’daqiiqo Denis Suarez, inkastoo uusan dheeli doonin Osasuna, maadaama ay u buuxsameen shantiisa kaar ee digniinta ah.

Real Madrid ayaa goolka barbaraha la timid daqiiqaddii 90’aad ee dhammaadkii ciyaarta waxaana karoos dadab laga soo qaaday madax ku dhaliyey kabtanka kooxda cad-cadka ee Sergio Ramos, kaasoo kulanka ka dhigay barbaro 1-1, sidaas ayuuna kulanku ku soo dhammaaday.

Real Madrid oo aan laga adkaan 33 kulan tartammada oo dhan ayaana sidaas hoggaanka ugu haysa 34-dhibcood, halka Barcelona oo ku soo xigta ay leedahay 28-dhibcood.

SAWIRRO:

cyw4jf0xcaaeveb cyw4jfwweaafqdd cyw4jfxxuaed99l cyw4jgfwiaagiyz cyw5ke-xeaana4_ cyw9esrxeaapein cyxgnlfweaammvw

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close