HOR DHAC: Barcelona Vs. Real Madrid

skysports-barcelona-real-madrid-la-liga_3843850

(Barcelona) 03 Dis 2016. Barcelona waxa ay qaabili doontaa Los Blancos iyada oo 6 dhibcood ka hooseysa.

Enrique iyo wiilashiisa ma xamili doonaan in ay isku furan farqi intaa badan (9) oo imaaneysaa hadii laga badiyo.

Madrid oo bandhigyo wanaagsan ku naalooneysay ayaa iyana isha ku haysa in ay tallaabo xoog leh u qaado hanashada La Liga tan iyo 2012 oo ay ka badiyaan Barcelona oo gurigeeda joogta.

WARARKA LABADA NAADI

-Iyada oo uu Iniesta u soo laabtay, hadana, Enrique waxa uu helayaa Jordi Alba iyo Gerard Pique.

-Real, waxaa dhaawac uga maqan Gareth Bale oo wali ku jira soo kabasho kaddib markii qalliin looga sameeyey canwaqga oo ciyaaraha seejin kara afar bilood.

– Toni Kroos qeyb yar wuu ka qaadan karaa kaddib markii uu tababbarka la qaatay kooxda jimcihii.

RAAD RAAC

-Lionel Messi waa dhaliyaha ugu sarreeya ee El Clasico, 21 gool ayuuu ka dhaliyey.

-Messi El Clasico gool kama dhalin marka ay la dheelayaan Neymar iyo Suarez.

-Messi shantii kulan ee ugu dambeeysay dhammaan tartamada  Real  gool kama uusan dhalin –  waana tirada ugu dheer ee uu sidaas yeelo.

-Cristiano Ronaldo ayaa uga gacan sarreeya marka ay timaado in gurytaha ay goolal isaga dhaliyaan, 10 gool ayuu 16 kulan oo El Clasico ah Camp Nou ku dhaliyey Ronaldo.

-Kaliya Alfredo Di Stefano oo 18 gool ugu shubay Barcelona ayaa kulankan  uga goolal badan dhinaca Madrid, Ronaldo.

-Suarez waa xiddiga qura ee laba gool ka dhaliyey El Classico xilli ay mid ka mida MSN ama BBC wada ciyaarayaan.

-Zidane waxa uu noqon karaa tababbarihii ugu horreeyey ee laba kulan oo xiriir ah Barcelona gurigeeda uga soo badiya tan iyo kaartiiste Miguel Munoz oo sidaas sameeyey 1965.

-Real Madrid 11 kaarka cas ah ayey uruursadeen 26kii kulan  ee ugu dambeeysay ee ay la dheelaan Barcelona, afar ka mida waxaa la siiyey Sergio Ramos.

-El Clasico 0-0 kama dhicin tan iyo 2002.

SAFAFKA LA FILI KARO

sport-preview-barca sport-preview-real

Gegida: Camp Nou

Saacadda Geeska Africa: 6:30Pm

Dhex dhexaadiyaha: Carlos Clos

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close