Aguero iyo Fernandinho oo seegi doona kulanka Arsenal kadib casaankii ay qaateen

Sergio Aguero tackles David Luiz

(Manchester) 03 Dis 2016 Kubadd joojiyaha kooxda Man City iyo weerar yahanka kooxdaas ee Aguero iyo Fernandinho ayaa ka maqnaan doona kulanka Arsenal.

Man City ayaa marti qaadi doonta Arsenal 18-ka bishaan kulan ka tirsan horyaalka ingiriiska, murugta ugu wayn ayaana ah in kulankaas ay ka maqnaan doonaan Aguero iyo Fernandinho.

Sida ay baahisay Mirror, labadaan laacib ayaa qaatay casaan toos ah kulankii kooxdooda looga adkaaday 3-1 ee galabta, markaas oo dagaal ay galeen ay ku qaateen calaamada gaduudan.

Fernandinho (2L) remonstrates with Cesc Fabregas (L) as English referee Anthony Taylor shows a red card to Sergio Aguero for his challenge on David Luiz

Weerar yahanka reer Argentina ee Aguero ayaa maqnaan doona 4-kulan taas oo ku timid 3-kulan oo casaanka tooska ah uu ku mutaystay iyo kulanka afaraad oo uu ku mutaystay ganaaxii la duldhigay markii uu xusulka ku dhiftay laacibka West Ham United ee Winston Reid bilowgii xiliciyaareed kan.

Dhanka kale laacibka reer Brazil ee Fernandinho ayaa maqnaan doona 3-kulan oo kala ah, Leicester City, Watford iyo Arsenal, Aguero ayaase ku darsan doona kulanka Boxing Day ee Hull City.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close