SIYAASADDA  iyo CIYAARAHA: Taageerayaasha Barcelona oo qorshe siyaasadeed ka damacsan kulanka El Clasico

siya

(Spain) 02 Dis 2016. Siyaasadda ayaa beri ku lug lahaan karta kulanka ugu wayn kubbada cagta adduunka ee El Clasico.

Taageerayaasha Barcelona ayaa damacsan qorshe ah inay mudaaharaad siyaasadeed ka sameeyaan kulanka beri ee El Clasico kaa oo ka dhici doona Camp Nou iyagoo doonaya in dhacdada wayn ee kulanka la wada sugayo uga faa’iideystaan fariinta ah in Catalonia ay dooneyso inay ka go’do Spain inteeda kale.

مشجعو برشلونة يحضرون لتحويل الكلاسيكو لتظاهرة سياسية ضخمة

In kabadan 30,000 oo calamada gobalka doonaya gooni isku taaga ee Catalonia ayaa lagu qeybin doonaa bannaanka Camp Nou ka hor kulanka si ay taageerayaasha u luxaan marka ay garoonka galaan.

FIFA ayaa horey u diiday in siyaasada iyo ciyaaraha la isku lifaaqo iyadoona marar badan horey ugu ganaaxday Barcelona xornima doonka ay taageeryaashooda ka dhex sameeyaan garoonka iyadoo ay ugu dambeysay lacago 150,000 Euro oo lagu ganaaxay.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close