Muxuu ka yiri Xavi Hernandez kulanka barri ee El-Clasico?

(Barcelona) 02 Dis 2016 Halyeeyga kooxda Barcelona ee Xavi Hernandez ayaa ka hadlay kulanka barri kooxdiisa Barcelona ay marti qaadi doonto Real Madrid.

Xavi ayaa rumaysan in kulanka barri ee El-Clasico uu yahay mid 50-50 ah oo labada kooxoodba ay guulaysan karaan isla markaana ay guul daraysan karaan.

36 jirka reer Spain ayaa meesha ka saaray inuu guusha u saadaaliyo kooxdiisii hore ee Barcelona, wuxuuna intaa ku daray in Barcelona ay cadaadis saari doonto dhigeeda Real Madrid maadama ay ka sarayso 6-dhibic.

“El-Clasico? waxaan u arkaa inay tahay 50-50, farqiga dhibcuhu wax micno ah malahan, marar badan ayaan aragnay kooxda hoosaysa oo guul gaaraysa” ayuu u sheegay idaacada Cadena Cope.

“Waxaan arki doonaa daqiiqadaha hore, Barcelona waxay isku dayi doontaa inay xakamayso ciyaarta haddii kale waa ay dhibtoon doonaan”.

“Waxaan daawan doonaa kulan cajiib ah oo kubadda cagta ah, lagayaabee inaan aragno Barcelona oo cadaadis badan saaraysa Real maadama ay ka horayso 6-dhibic”.

“Ciyaartoyda Real Madrid si sax ah ayeey garoonka ugu fuliyaan waxa uu u soo sheego Zidane waayo waxay haystaan koox cajiib ah sida Barcelona oo kale, labada kooxoodba waa kuwo isku dhaw”.

“Waxaan daawaday kulamo badan oo cajiib ah oo Barcelona ay ciyaartay xiliciyaareed kan, waxaan rajaynayaa inay soo bandhigaan mid kamid ah kulamadaas sabtiga”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close