Kooxda Juve ee Atalanta wajahaysa oo la magacaabay (Dybala maku jiraa?)

(Torino) 02 Dis 2016 – Kooxda Juventus ayaa magacoowday laacibiinta ay berri ku wajahayso kooxda Atalanta, balse waxaa weli ka maqan Paulo Dybala, waloow sidii la filayay ay sidoo kale liiska ka maqan yihiin Leonardo Bonucci, Andrea Barzagli, Dani Alves iyo Marko Pjaca.

Dybala ayaan kooxda ku jirin, tiiyoo ay jirto inuu tababarka kusoo noqday, tan iyo markii uu dhaawaca muruqa ihi ku gaarey guuldarradii Milan ee bartamihii Oktoobar.

Mario Lemina ayaa soo noqday isagoo ka maqnaa guuldarradii dheg-xumada badnayd ee ay ku dhigtay Genoa oo 3-1 ku dhufatay isagoo hargab la tacaalayay.

Kooxda Juventus ee wajahaysa Atalanta: Buffon, Neto, Audero; Chiellini, Benatia, Alex Sandro, Rugani, Lichtsteiner, Evra; Pjanic, Khedira, Cuadrado, Marchisio, Hernanes, Lemina, Asamoah, Sturaro; Higuain, Mandzukic, Kean

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close