Cristiano Ronaldo, Messi iyo Griezmann oo isugu soo haray abaalmarinta laacibka dunida ugu wanaagsan

14806867380719

(Zurich) 02 Dis 2016. Saddexda laacib ee ka wada tirsan horyaalka Spain ee La Liga, Cristiano Ronaldo,  Lionel Messi iyo Antoine Griezmann ayaa isugu soo haray abaal-marinta ugu wanaagsan FIFA )FIFA best award).

Abaal-marintan ayaa ku bixi doontaa ‘Laacibka dunida ugu wanaagsan’ waxaana coddeeya tababbareyaasha, kabtannada, saxafiyiinta iyo taageereyaasha.

In ay isugu soo haraan xiddigo ka wada tirsan La Liga waxa ay sii adkeyneysaa dooda ah in horyaalka Spain yahay kan dunida ugu fiican.

Ronaldo oo ku guuleystay Champions League iyo Euro 2016 ayaa la loolami doona Lionel Messi oo qaaday La Liga.

Griezmann, oo isna tagay fiinaaleyaasha Champions League iyo Euro 2016 ayaa saddexeeya.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close