Vermaelen oo halis galiyay taam ahaanshaha Salah ee kulanka Lazio

فيرمايلين يُهدد مُشاركة صلاح في ديربي روما

(Roma) 01 Dis 2016 Weerar yahanka kooxda Roma ee Mohamed Salah ayaa shaki laga muujinayaa inuu taam u noqon karo kulanka adag ee Derby della Capitale.

Roma ayaa u martin doonta dariskooda Lazio axada, labada kooxood ayaana aad ugu baahan guul si ay uga daba tagaan Juventus oo laga adkaaday isbuucaan.

Sky Italia ayaa daaha ka qaaday in Mohamed Salah uu dhaawac uga baxay tababarkii shalay ee kooxda Roma kadib markii uu si xun u jilaafay saaxiibkiis Vermaelen.

Intabadan wargaysyada ka soo baxa talyaaniga ayaa baahiyay in Salah uu garoomada ka maqnaan doono inta ka harsan 2016, laakiin waxaa la sugi doonaa baaritaanada ka soo baxa dhaawaca soo gaaray.

Tababare Spalletti ayaa wajahaya dhibaato culus haddii la xaqiijiyo in Mohamed Salah uu seegi doono kulanka axada ee Derby della Capitale.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close