RASMI: Harry Kane oo heshiis cusub qallinka ugu duugay Tottenham

cyllqmixeaa-2rl

(London) 01 Dis 2016. Naadiga Tottenham ayaa xaqiijisay inay heshiis cusub ka saxiixatay dhaliyaheeda reer England ee Harry Kane.

Heshiiska cusub uu Kane u saxiixay Spurs ayaa ku eg ilaa 2022.

Xiddiga reer England ayaa ah laacibka ugu goolasha badan Tottenham iyadoo ay jirto inuu inbadan dhaawac kaga maqnaa kooxda.

OFFICIAL: Kane signs new Tottenham deal

Kane oo lala xiriirinayay inuu ka huleeli doono Spurs ayaa iminka mustaqbalkiisa u hibeeyay kooxda kaddib markii uu u saxiixay heshiis cusub oo 6-sano ah.

“Waa cajiib. Qofkasta wuu ogyahay inta aan jeclahay kooxdan iyo waxa aan ku dareemayo naadigan,”.  Dhaliyaha ayaa sidaa u sheegay bogga rasmiga ah ee kooxda.

“Inaan saxiixo heshiis kale waa dareen gaar ah, waxaan leenahay shax fiican oo yar yar, kooxduna waxay ku socotaa jihada saxda ah.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close