Macallinka Inter Milan oo magacaabay laacibiinta uu berri kala hortegayo SSC Napoli

(Milano) 01 Dis 2016 – Macallinka Inter Milan ee Stefano Pioli ayaa magacaabay 23-laacib oo berri magaalada Napoli kula ciyaaraya kooxda Napoli, iyadoo ay Nerazurri doonayso inay sii amba qaaddoo guushii macaanayd ee ay  4-2 uga badisay kooxda Fiorentina, tiiyoo ay jirto in aysan isku toos toosnayn kooxda Partenope.

Gabriel Barbosa ayaa markale kooxda lagusoo daray, waloow ay jirto inuu ilaa haatan 16 daqiiqo uun uu saftay horyaalka Serie A, waxaa dhaawac  ku maqan Gary Medel oo aan la helaynin ilaa 2017 balse dhanka kale dhib kale ma qabto Beneamata.

Kooxda Inter ee wajahaysa Napoli: Handanovic, Carrizo, Berni, Andreolli, Ranocchia, Ansaldi, Murillo, Miranda, D’Ambrosio, Nagatomo, Melo, Joao Mario, Kondogbia, Banega, Brozovic, Palacio, Icardi, Jovetic, Biabiany, Eder, Perisic, Candreva, Gabriel Barbosa

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close