Goorma ayuu soo laaban doonaa Gareth Bale?

(Madrid) 01 Dis 2016 Laacibka kooxda Real Madrid ee Gareth Bale ayaa lagu sameeyay qaliin dhanka anqawga ah kadib dhaawicii ka soo gaaray kulankii Sporting Lisbon.

Qaliin lagu guulaystay oo dhanka anqawga ah ayuu ku maray Gareth Bale caasimada ingiriiska ee London sida ay baahisay AS.

Isla wargayskaan ayaa xaqiijiyay in Bale uu garoomada ka maqnaan doono mudo dhan 4-bilood, wuxuuna dib u soo laaban doonaa bisha April ee 2017.

Gareth Bale ayaa ka maqnaan doona 25 kulan oo kooxdiisu ay ciyaari doonto ilaa waqtigaas, taas oo dhabar jab ku ah tababare Zidane.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close