Gabriel Jesus oo maanta soo gaaraya kooxdiisa cusub ee Man City

jees

(Brazil) 01 Dis 2016. Dhaliyaha cusub ee Man City Gabriel Jesus ayaa galabta soo gaaraya magaalada Manchester si wax looga baro nolosha magaalada iyo tan kooxda.

Xiddiga reer Brazil ee kooxda Palmeiras ayaa la soo tusin doonaa xerada tababarka kooxdiisa cusub iyadoo maalinka sabtida ahna uu u daawasho tagi doono kulanka Man City iyo Chelsea ka hor inta uusan dib ugu laaban dalkiisa hooyo.

19-jirka ayaa kooxda ka arrimisa Etihad Stadium xagaagii u saxiixay heshiis 5-sano ah laakiin waxaa loo ogoladay inuu kal ciyaareedka la soo dhammeysto kooxda yaraantiisa ee Palmeiras.

Manchester aí vou eu ✈️! #javolto #domingoestoudevolta

A photo posted by Gabriel Jesus Oficial (@dejesusoficial) on

Naadiga uu ka tirsan yahay Jesus ayaa axadii loo cameelo saaray horyaalnimada dalkaasi Brazil iyadoo kulamada ugu dambeeya ee horyaalka la baajiyay sababo la xiriirta musiibadii ku habsatay kooxda Chapocoense oo ku le’day bur-burkii diyaaradeed.

Jusus ayaa sidaa darted u soo duuli doona Ingiriiska si uu wax uga barto kooxdiisa cusub isla markaana u daawado kulanka sabtida ee Man City iyo Chelsea.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close