Arsene Wenger oo xalay safay Mohamed Elneny oo qaba SHUBAN iyo Calool xanuun

mohamed

(London) 01 Dis 2016. Xiddiga Muslimka ah ee kooxda Arsenal Mohammed Elneny ayaa la badelay intaan la marin qeybtii hore ee ciyaartii xalay ee Arsenal looga soo reebay EFL Cup kaddib guul darro ay kala soo kulmeen Southampton maadaama uu xanuunsanaa.

Elneny ayaa lagu badelay Granit Xhaka daqiiqadii 43-aad kulankii xalay quarter-final ka ee Emirates lagu dubtay Gunners.

Wenger ayaa kulanka kaddib daaha ka rogay in laacibka reer Masar uu xanuunsanaa balse uu sheegay inuu fiican yahay si uu u ciyaaro kulanka.

“Wuu xanuunsanaa kulanka ka hor. Wuxuu go’aansaday inuu fiican yahay kulankana ciyaari karo,” Wenger ayaa sidaa yiri.

“5 ilaa 10 daqiiqo kaddib waan arki karay inuusan warkiisu sax ahayn. Dhibaato dhaawac ma uusan qabin laakiin wuxuu qabay shuban ama dhibaato caloosh ah.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close