Real Madrid oo war wanaagsan ka helaysa dhaawaca Alvaro Morata ka hor El-Clasico

خاص | الريال يتلقى أخبارًا سارة بخصوص موراتا

(Madrid) 30 Nov 2016 Tababare Zidane ayaa helaya war farxad leh ka hor kulanka kooxdiisu ay u safri doonto kooxda Barcelona sabtiga nagu soo socda.

Sida ay baahisay GOAL, ilo muhiim ah oo kooxda dhexdeeda ah ayaa xaqiijiyay in Alvaro Morata uu ka soo caafimaaday dhaawicii uu uga maqnaa garoomada.

Shabakada ayaa intaa ku dartay in taasi aysan ka dhignayn in Alvaro Morata uu ciyaari karo El-Clasico, balse laacibka ayaa ka soo muuqan kara kulanka xiga ee kooxdiisu ay hogaanka guruubka kula dagaalami doonto Borussia Dortmund.

Sidoo kale soo kabashada Alvaro Morata ayaa ka dhigan inuu kooxda ula safri doono Japan gudaha bishaan halkaas oo lagu qaban doono koobka kooxaha aduunka.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close