Madaxwaynaha xiriirka kubadda cagta Spain oo ka hadlay kooxda uu taageeri doono kulanka El-Clasico

Photo published for Tebas doesn't hide his Madrid colours ahead of Saturday's Clasico

(Madrid) 30 Nov 2016 Madaxwaynaha xiriirka kubadda cagta ee dalka Spain Javier Tebas ayaa ka hadlay kulanka El-Clasico kaas oo ah kan ugu wayn horyaalka Spain.

Javier Tebas ayaa qariyay magaca kooxda uu taageeri doono sabtida, wuxuuna si maldahan u muujiyay inuu u sacab tumi doono kooxda Real Madrid oo uu u yahay taageere.

54 jirkaan ayaa la ogsoonyahay inuu taageere aan qarsoonayn u yahay kooxda uu hogaamiyo Zidane laakiin wuxuu diiday inuu xasrad abuuro ka hor kulanka.

“Waxaan doonayaa in El-calsico uu noqdo kulan wayn oo faa’iido u leh dhamaan Laliga” ayuu u sheegay Microsoft.

“Maanta ma ahan maalintii aan sheegi lahaa kooxda aan doonayo inay guulaysato, waayo waad garanaysaa” ayuu sii raaciyay Javier Tebas.

Waxaa xusid mudan in Tebas iyo kooxda Barcelona uu ka dhexeeyo qilaaf kadib markii uu eedeeyay ciyaartoyda Barcelona xili lagu weeraray caagadaha biyaha kulankii Valencia.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close