DEG DEG: FA-ga ingiriiska oo ganaaxay tababare Jose Mourinho

(Manchester) 30 Nov 2016 Xiriirka kubadda cagta ingiriiska ee FA ayaa ganaaxay tababaraha kooxda Manchester United ee Jose Mourinho kadib markii uu laaday caagadaha biyaha kulankii West Ham United.

Jose Mourinho ayaa laga saaray kursiga keydka ee kooxdiisa Manchester United kulankii axadii kooxdiisu ay 1-1 lagashay kooxda West Ham United.

FA-ga ayaa ku ganaaxay tababare Jose Mourinho inuu kooxda ka maqnaado kaliya hal kulan, iyaga oo sidoo kale ku ganaaxay bixinta lacag dhan 16 kun oo Ginni.

Waa ganaaxii labaad ee tababare Jose Mourinho lagu soo rogo tan iyo markii uu bilowday xiliciyaareed kan, Mourinho ayaana ka maqnaan doona kulanka caawa kooxdiisu ay la ciyaari doonto West Ham United koobka League Cup-ka.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close