RASMI: Cristiano Ronaldo oo seegaya kulanka Arbacada ee Copa del Rey… (Ogow sababta)

cristiano-ronaldo

(Madrid) 29 Nof 2016 – Tababare Zinedine Zidane ayaa xaqiijiyey in Cristiano Ronaldo uu nasin doono oo uusan ciyaari doonin kulanka Real Madrid ay Arbacada la dheeli doono kooxda Cultural Leonesa, si loo hubiyo inuu 100% taam u noqdo kulanka Sabtida ee El Clasico oo ay la leeyihiin Barcelona.

Kulanka bilowga usbuuca soo socda ka dhici doona garoonka Camp Nou ayey Real Madrid fursad u haysataa inay 9 dhibcood oo saafi ah ku qabato horyaalka La Ligaha Spain, laakiin waa haddii ay guul ku soo gaarto garoonkaas.

Real Madrid ayaa haysata faa’iido 7-1 oo ay lugtii hore uga soo adkaatay kooxda Cultural Leonesa kulankaasoo uu seegay Ronaldo, tababare Zinedine Zidane ayaana xaqiijiyey in weeraryahankiisa Cristiano Ronaldo uu markale seegi doono kulanka lugta labaad ee habeen dambe oo Arbaco ah ka dhici doona garoonka Santiago Bernabeu.

“Kulanka Arbacada waxay fursad u tahay Ronaldo si uu u nasto” ayuu tababare Zinedine Zidane ku sheegay shirkiisa jaraa’id maanta.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close