Mourinho oo ganaax kale ku soo fool leeyahay

jose-mourinho-manchester-united-2016_196z4z41ze3qw1479o8bbwn6v4

(Manchestrer) 29 Nof 2016.  Xiriirka Kubadda Cagta ee Ingiriiska ayaa dacwad ku soo oogay Jose Mourinho kaddib fal xumadiisii tarbuunka loogu diray kulankii ay bar bar dhaca 1-1 la gashay United naadiga West Ham axadii.

Mourinho waxaa laga ganaaxay diilinta farsamada markii labaad saddex muddo ku siman saddex ciyaarood oo Premier League-ga ah kaddib markii uu laday caagadaha biyaha bartamaha qeybta hore ee dheesha.

Dhacdadan ayaa timi kaddib markii uu diiwaanka digniinta galiyey dhex dhexaadiye Jon Moss khadka dhexe ee United Paul Pogba.

Intaa kaddib Mourinho waxa uu ku guul dareystay in uu guto waajibaadkiisa saxaafadda isaga oo wareysigii ciyaarta kaddib u soo diray ku xigeenkiisa Rui Faria.

Tababbaraha reer Portugal  waxaa garka loo galiyey kulan ganaax ah iyo bixinta £8,000 kaddib ciyaartii Burnley ee dhacay daba-yaaqadii Oktoobar, hada, FA-gu waxa uu dib u eegis yara ku eegi doonaa mida hada taagan, ganaax daran ayey u egtahay in lagu rido.

Mourinho sidoo kale waxaa lagu ciqaabay hadaladii aragti ka dhiibashada ahaa ee ku saleysnaa u magacaabidii garsoore Anthony Taylor kulankii Liverpool iyo Manchester United.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close