Kooxda Liverpool oo gaartay afar dhammaadka tartanka EFL Cup, kaddib guul ay ka gaartay Leeds United… + SAWIRRO

(Liverpool) 30 Nof 2016 – Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa gaartay afar dhammaadka tartanka English Football League Cup, kaddib markii ay 2-0 ku garaacday Leeds United oo marti ugu ahayd garoonka Anfield.

Kulankan ayaa qeybtii hore lagu kala nastay barbaro goolal la’aan 0-0, inkastoo labada dhinac ay sameeyeen fursado goolal loo filan karay.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee kulanka, Liverpool ayaa la wareegtay hoggaanka ciyaarta waxaana gool koowaad u dhaliyey 76’daqiiqo Divock Origi kaddib markii uu lug ku dhammaystiray kubbad dadab  ka soo qaaday Trent Alexander-Arnold, kulanka ayaana sidaas ku noqday 1-0 ay ku gacan sarreysay Reds.

Kooxda Liverpool ayaa la timid goolka labaad, waxaana 81’daqiiqo u dhaliyey 17-sano jirka Benjamin Woodburn, kaasoo ka soo kacay kursiga keydka, waxaana uu ahaa goolkiisii ugu horreeyey ee uu u dhaliyo kooxda waa wayn ee Liverpool, ciyaarta ayaana waqtigii loogu tala galay ku soo dhammaatay 2-0 oo ay ku adkaatay kooxda Liverpool.

Reds ayaana sidaasi ugu soo baxday afar dhammaadka tartankan EFL Cup markeedii 17-aad waana kooxda ugu badan, waxaana ay sugi doontaa kooxdii ay ku aadi lahayd semi-final-ka tartankan.

SAWIRRO:

cydczvrwgai867v

cyddpk4xcaakrce

cydevroxaaarufc

cydewjixuailfrv

cydexwfxgaiq5_r

cydeygyw8aatlaz

cydqi7cxcaavfdr

cydqi7fwiaa68ou

cydqi7gxaae_maq

cydqi7hwiaav4ii

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close