FIFA “Waa maalin murugo leh waxaana u Tacsiyeynaynaa qoysaska ciyaartoydii ku dhimatay shilkaas”

76e02

(Zurich), 29 Nof 2016   –Xiriirka Kubadda Cagta Adduunka ee FIFA ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska ciyaartoydii kooxda Chapecoense ee ku geeriyootay diyaraddii xalay ku bur burtay Buuraleyda Medellin ee Waddanka Colombia.

Laacibiinta kooxda Chapecoense ayaa qayb ka ahaa rakaab saarnaa diyaaraddan dhacday kuwaas oo gaarayay 81 ruux, iyadoo 75 ka mid ah ay geeriyoodeen halka 6 qofoodna ay bad baadeen, waxaana naadigani reer Brazil uu ka qayb galayay ciyaarta kama dambeysta ah ee COPA SUDAMERICANA 2016 kaasoo lagu waday in berri la ciyaaro.

“Waa akhbaar naxdin leh, waana maalin aad iyo aad u madoow oo Kubadda Cagta ah” ayaa lagu yiri warbixin ka soo baxday FIFA.

“Xilligan adag, waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa qoysaskii iyo asxaabtii dhibanayaasha iyo dhammaan taageerayaasha Chapecoense, bahda Ciyaaraha iyo Saxaafadda”ayay FIFA ku muujisay dareenkeeda ku aaddan dhacdadan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close