AC Milan-ta Shiinaha oo bartilmaameedsanaysa Edin Dzeko (Milano oo maanta lagu arkay!)

(Milano) 29 Nof 2016 – Waxaa jira warar soo baxaya haatan oo sheegaya in maamulka cusub ee AC Milan ee Chinese-ka ihi ay bartilmaameedsanayaan qannaaska AS Roma ee Edin Dzeko, kaasoo maanta lagu arkay magaalada Milano.

Madaxwaynaha haatan ee Silvio Berlusconi ayaa shalay yiri “Milan waa la iibiyay,” waloow ay weli jiraan dib u dhacyo qaadan kara 4 ilaa 6 todobaad kaddib 13-ka Diseembar oo ay shirayaan saamileeyda Milan si loo ansixiyo iibka Milan.

Yeelkeede, sida ku dhigan Calciomercato.com, mid ka mid ah tillaabada 1-aad ee Rossoneri-da cusub waa inay bartilmaameedsadaan hujuumka Roma ee Dzeko, iyadoo uu haatan gooldhalinta Capocannoniere ku wehliyo Mauro Icardi, oo ay min 12 gool ka dhaliyeen Serie A.

Dzeko ayaa maanta lagu arkay Milano, isagoo waqti la qaadanayay saaxiibadii Ervin Zukanovic iyo Aleksandar Kolarov.

Carlos Bacca ayaa la rumaysan yahay inuu ka socdo San Siro isla bisha Jannaayo, sidaa darteed waxay u weecan karaan Dzeko oo sanadkiisii 1-aad ku wareeray Serie A, balse haatan la qabsaday kubadda Talyaaniga.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close