SAWIRRO XUL AH : Waxool oo guul soo kabsasho leh ka gaartay Muqdisho United

(Muqdisho) 28 Nof 2016. Naadiga Waxool ayaa guul soo laabasho leh ka gaartay kooxda Muqdisho United oo ay kaga adkaatay 3-1 kulan ka tirsanaa horyaalka Soomaaliya ee xilli ciyaareedka cusub.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hogaamineyso kooxda Muqdisho United.

Muqdisho ayaa ku gacan sarreysay qeybta hore ee ciyaarta oo marka laga soo tago goolka ay dhalisay waxay heshay fursado kale oo ay hogaanka ku dheereysan kartay, balse wax kasta waxay is badaleen qeybta dambe ee dheesha.

La tashiyo ay sameysay kooxda Waxool iyo canaan ay ku riday ciyaartoydeeda ayaa waxay dhashay in qeybtii labaad ay la soo bexaan miciyo libaax.

Kabtanka Waxool Cabdinaasir Gurxan ayaa goolka bar-baraha u dhaliyay kooxdiisa gool run ahaan u tartami kara goolka sanadka ee horyaalka Soomaaliya.

Gurxan ayaa dhowr ciyaartoy dhulka kaga tagay dabadeedna cag taraarax ah goosha ka dhigay xagasha hoose.

Ismaaciil Shiiqa oo badel ku soo galay ciyaarta ayaa hogaanka u dhiibay kooxdiisa Waxool kubbad u muuqatay offside balse la ansixiyay isagoo dhinac ka dhigay goolhayaha oo ay waji ka waji isaga hor yimaadeen.

Da’yarka farsamada badan ee Xasan CR7 oo isna badel ku soo galay dheesha ayaa goolka saddexaad u saxiixay Waxool kubbad qurux badneyd oo uu halka sare ka galiyay goolka.

Muqdisho United ayaa la oran karaa waxaa hoos u dhaca ugu wacnaa kaarka cas uu ka qaatay mid ka mid ah xiddigaheeda muhiimka ah qeybtii labaad ee ciyaarta.

Sikastaba Waxool oo la oran jiray Singjet ayaa gaartay guusheedii ugu horreysay xilli ciyaareedka cusub horyaalka Soomaaliya kaddib guul darro ka soo gaartay kulankeedii furitaanka.

 

img_5763

img_5765

img_5767

img_5769

img_5775

img_5781

img_5784

img_5786

img_5789

img_5790

img_5791

img_5795

img_5796

img_5798

img_5800

img_5802

img_5804

img_5805

img_5808

img_5810

img_5814

img_5816

img_5817

img_5820

img_5823

img_5826

img_5827

img_5832

img_5834

img_5835

img_5837

img_5842

img_5843

img_5844

img_5845

img_5848

img_5849

img_5850

img_5851

img_5852

img_5853

img_5854

img_5855

img_5857

img_5858

img_5859

img_5860

img_5862

img_5864

img_5865

img_5866

img_5867

img_5871

img_5874

img_5877

img_5882

img_5883

img_5885

img_5886

img_5887

img_5888

img_5890

img_5892

img_5893

img_5894

img_5899

img_5900

img_5903

img_5905

img_5906

img_5907

img_5908

img_5917

img_5919

img_5920

img_5929

img_5931

img_5935

img_5939

img_5941

img_5942

img_5948

img_5960

img_5962

img_5963

img_5964

img_5969

img_5970

img_5974

img_5985

img_5986

img_5987

img_5993

img_5996

img_6000

img_6002

img_6005

img_6009

img_6010

img_6011

img_6014

img_6020

img_6022

img_6023

img_6032

img_6037

img_6040

img_6043

img_6045

img_6048

img_6049

img_6054

img_6058

img_6059

img_6061

img_6073

img_6082

img_6092

SAWIR QAADE: Mahad Shariif Jilacoow

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close