Kaddib goolashii ay dhaliyeen Alexis Sánchez, Sergio Agüero iyo Zlatan Ibrahimovic waa sidee haatan kala sarreynta gooldhalinta horyaalka Premier League?

172030

(England) 28 Nof 2016 – Kulamadii 13-aad ee horyaalka Premier League ayaa la ciyaaray, iyadoo ay hoggaanka u wada hayaan gooldhalinta horyaalka Ingiriiska weeraryahanka kooxda Chelsea ee Diego Costa iyo kooxda Man City ee Sergio Agüero kuwaasoo wadaaga min 10 gool.

Weeraryahanka kooxda Arsenal ee Alexis Sánchez ayaa ku jira kaalinta labaad ee kala horreynta gooldhalinta horyaalka Ingiriiska kaasoo leh 8 gool, kaddib markii uu labo gool dhaliyey kulankii dhowaa ee Bournemouth.

Laacibka kooxda Everton ee Romelu Lukaku, Jermain Defoe oo ka tirsan Sunderland, xiddiga garabka uga dheela Chelsea ee Eden Hazard iyo wiilka jogga dheer ee Man United Zlatan Ibrahimovic ayaa ku wada jira kaalinta saddexaad ee kala horreynta gool dhalinta horyaalka Premier League, waxaana ay wada leeyihiin min 7 gool.

Xiddigo badan oo ay hor boodayaan laacibka Arsenal ee Theo Walcott, Sadio Mané oo matala maaliyadda kooxda Liverpool iyo Charlie Austin oo u safta naadiga Southampton ayaa iyaguna ku wada jira kaalinta afaraad ee kala sarreynta gool dhalinta Premier League, waxaana ay wadaagaan min 6 gool.

Haddaba halkaan hoose ka eeg 20-ka ciyaaryahan ee ugu sarreeya haatan gooldhalinta horyaalka Ingiriiska ee Premier League:-

Diego Costa (Chelsea) 10 gool iyo 3 caawin

Sergio Agüero (Man City) 10 gool, wax caawin ahna ma samaynin

Alexis Sánchez (Arsenal) 8 gool iyo 3 caawin

Romelu Lukaku (Everton) 7 gool iyo 3 caawin

Jermain Defoe (Sunderland) 7 gool iyo 2 caawin

Eden Hazard (Chelsea) 7 gool iyo 1 caawin

Zlatan Ibrahimovic (Man Utd) 7 gool, wax caawin ahna ma samaynin

Theo Walcott (Arsenal) 6 gool iyo 2 caawin

Sadio Mané (Liverpool) 6 gool iyo 2 caawin

Charlie Austin (Southampton) 6 gool iyo 1 caawin

Leroy Fer (Swansea) 6 gool, wax caawin ahna ma samaynin

Michail Antonio (West Ham) 6 gool wax caawin ahna ma samaynin

Philippe Coutinho (Liverpool) 5 gool iyo 5 caawin

Roberto Firmino (Liverpool) 5 gool iyo 3 caawin

Harry Kane (Tottenham) 5 gool iyo 1 caawin

James Milner (Liverpool) 5 gool iyo 1 caawin

Christian Benteke (Crystal Palace) 5 gool iyo 1 caawin

Etienne Capoue (Watford) 5 gool iyo 1 caawin

Gylfi Sigurdsson (Swansea) 4 gool iyo 4 caawin

Nacer Chadli (West Brom) 4 gool iyo 2 caawin

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close