Horseed iyo Bariga Dhexe oo galabta ku ballansan garoonka Koonis

(Muqdisho) 28 Nof 2016. Kooxaha Horseed iyo Bariga Dhexe   ayaa galabta ku ballansan garoonka Koonis, kullan ka tirsan horyaalka Soomaaliya.

Naadiga Cawa iyo Maalin ayaa  kullankii ugu dambeeyay waxa ay kasoo badisay Waxool halka Bariga Dhexe ay guuldarro kala kullantay naadiga Dekedda.

Kullanka galabta ayaa ah mid xiisihiisa wata waxaana koox kaste ay dooneysaa in ay guul gaarto.

Bariga Dehexe ayaa xilli ciyaareedkaan ku cusub horyaalka heerka koowaad ee Soomaaliya mahadaama sanadkii lasoo dhaafay ay soo qaaday heerka labaad.

Horseed ayaa leh saddex dhibcood, iyadoo tagi doonta lix dhibcood haddii ay badiso kullanka galabta ee Bariga Dhexe.

Kooxda ka dhisan gobolka Shabeelaha Hoose ayaa raadineysa guusheedii ugu horeysay horyaalka heerka koowaad, waxaana galabta ay ciyaareysaa kullankeedii labaad.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close