Dani Alves oo Lugta ka jabay kulankii shalay guul darrada la huwiyay kooxdiisa Juventus

_92685781_alves

(Turin), 28 Nof 2016  –Kooxda Juventus ee Horyaalka Talyaaniga ayaa xaqiijisay in Daafeceeda Dani Alves uu ka jabay lugta, gaar ahaan halka ay ku dhamaato shanshada iyadoo laga saaray garoonka dhammaadkii kulankii Genoa iyo Juventus 3-1.

Laacibkii hore ee Barcelona Alves oo 33′  jir ah ayuu dhaawucu gaaray dhammaadkii kulankii Genoa xilligaas oo Juventus ay u dhamaadeen saddexdii beddel waxaana ay ku dhameysteen 10′ ciyaartooy.

Kooxda Juventus ma aysan shaacin muddada uu maqnaanayo Alves iyo baaxadda dhaawiciisa toona, waloow ay sheegtay in dhaawiciisu culus yahay lugtiisuna jabtay tijaabooyin kale oo dheeraad ahna lagu sameyn doono.

Bishii June ee sanadkan ayay ahayd markii Juventus ay heshiis  2 sanadood ah Barcelona kagala soo wareegtay daafacan u dhashay Brazil.

Dhinaca kale Daafaca kale ee Bianconeri Bonucci, 29 jir, ayaa isna dhaawac muruqa ah ku soo gaaray ciyaartii adkeyd ee shalay taasoo keentay in la beddelo.

Gool FM

https://youtu.be/yZlo0CLnFsg

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close