“Cristiano Ronaldo Ballon d’Or.”. Taageerayaasha Real Madrid ayaa sidaa ku heysayay kulankii dhawaa ee ka dhacay Bernabeu

cr

(Madrid) 28 Nof 2016. Taageerayaasha Real Madrid ayaa dhabar istaagay xiddigooda Cristiano Ronaldo iyagoona doonaya inuu sanadkan ku guuleysto abaal marinta Ballon d’Or ee laacibka ugu fiican 2016.

Ronaldo ayaa ugu cad cad abaal marinta kaddib markii uu Champions League kula guuleystay kooxdiisa Real Madrid halka uu Euro 2016 la qaaday xulkiisa Portugal markii ugu horreysay.

Image result for Cristiano Ronaldo and Real Madrid fans

Kabtanka xulka Portagal ayaa dhaliyay labo gool qeybtii hore ee dheesha kulankii dhawaa ay Los Blancos 2-1 uga adkaatay kooxda Sporting Gijon kulan ka tirsanaa La Liga oo ka dhacay Bernabeu.

60,000 oo taageerayaal oo soo buuxiyay kuraasta Estadio Santiago Bernabeu oo roob xoogan ka da’ayay ayaa ku dhawaaqayay ‘Ballon d’Or, Cristiano, Ballon d’Or’, iyagoo abaal marinta la doonaya inuu markiisii afaraad ku guuleysto gool dhaliyahooda Ronaldo.

http://i2.mirror.co.uk/incoming/article9343284.ece/ALTERNATES/s615b/

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close