“Cadaalad darro ayay noqon lahayd haddii aan adkaan lahayn, waayo 5-baas xitaa waa isku xiri waynay.”

lio

(Spain) 28 Nof 2016. Tababare Luis Enrique ayaa aaminsan in kooxdiisa Barcelona ay nasiib ku lahayd isla markaana mucjiso ahayd inay bar-baro kala soo tagaan garoonka ay sagaalka sano ku soo adkaan la’yihiin ee kooxda Real Sociedad.

Lionel Messi ayaa bar-baro u keenay Barcelona kaddib goolkii furitaanka ee Willian Jose iyadoo kooxda ku ciyaarta Anoeta ay ku gacan sarreysay kulanka.

Carlos Vela ayaa labo jeer birta u garaacay Barcelona iyadoona la diiday gool uu Juanmi u dhaliyay kooxdiisa Real Sociedad, halka Barcelona ay sameysay labo shuut oo qura ay goosha la beegsatay kulan lagu sheegay inuu ahaa mid ka mid kuweedii ugu xumaa xilli ciyaareedka.

http://e00-marca.uecdn.es/assets/multimedia/imagenes/2016/11/27/

“Haddii aan eego natiijada kulanka waa qiimeynta ugu fiican aan bixin karo kal ciyaareedkan.”. Luis Enrique ayaa sidaa u sheegay Barca TV.

“Inaan ku dhammeysano 1-1 waa mucjiso, inaan guuleysano waxay noqon lahayd cadaalad darro waa inaan u hambalyeeyo Real Sociedad.

“Xitaa waan kari waynay inaan isku xirno 5-baas, kubbada la’aanteed waxaynu ahayn masiibo.

“Waxay cadaadis nagu saareen 6-ciyaartooy, waana heli waynay meel aan ku sameyno baasaska dhexe iyo baasaska dhaa-dheer.

“Qeybtii labaad ee dheesha xoogaa waa soo hagaagnay laakiin ma ahayn wax aslanba nagu filan. Waxaan  ku bar-bareynay kulanka kubbad ay si gaar ah u wada ciyaareen Messi iyo Neymar.

“Uma qalmin inaan dhibic kula soo laabano Barcelona.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close