SERIE A: Genoa oo jihada ka lumisay Juventus…(Wiilka tababare Diego Simeone oo cashar u dhigay Marwada Duqda ah)+SAWIRRO

(Genoa) 27 Nof 2016. Naadiga Genoa ayaa guul darro xanuun badan u xambaarisay kooxda hogaamineysa horyaalka Serie A ee Juventus kaddib markii ay ku martay 3-1, wiilka tababare Diego Simeone ee Giovanni Simeone ayaa wacdaro ku dhigay naadiga lagu naaneyso Marwada Duqda ah.

Genoa ayaa jah wareer galisay Juventus oo 3-0 ku marisay qeybta hore ee ciyaarta.

Giovanni Simeone ayaa gool uga naxsaday Juve markii ay ciyaarta socotay 3-daqiiqo oo qura.

10-daqiiqo kaddib ayuu wiilka yar markale tagay shabaqa kaddib markii uu madax ku dhaliyay kubbad uu ka helay Darko Lazovic.

Alex Sandro ayaa kubbad kuuma jirin ah ka dhaliyay kooxdiisa Juventus daqiiqadii 29-aad.

Markii la isku soo laabtay qeybtii labaad ee dheesha Juventus ayaa wax ka badelin xaalka marka laga soo tago kubbad free kick ahayd uu  u dhaliyay Miralem Pjanic.

Waa markii ugu horreysay oo Juventus looga adkaado 2-goo oo naadiif ah Serie A tan iyo bishii March ee 2014, Pirlo iyo Pogba ayaa labaduba lagu soo bilaabay kulankaa ay guul darrada kala kulmeen Napoli.

Kulamadii kale ee ciyaaray:

Palermo 01 Lazio. kooxda Lazio ayaa gool madi ah ku adkaatay isla markaana soo gashay kaalinta 3-aad ee horyaalka Talyaaniga.
Bologna 02 Atalanta.
 
Cagliari 21 Udinese.
Crotone 11 Sampdoria.

SAWIRRO:

cyrwqcfxcaarpao

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close