Ricardo Kaka oo shaaciyay inuu isaga tagi doono Orlando City, Halkee ayuu ku wajahanyahay?

(Orlando) 27 Nov 2016 Halyeeyga reer Brazil ee Ricardo Kaka ayaa shaaciyay inuusan heshiis cusub u saxiixi doonin kooxdiisa Orlando City marka uu dhamaysto heshiiskiisa.

Qandaraaska Kaka ee kooxda Orlando City ayaa ku eg dhamaadka sanadka dambe, wuxuuna sheegay inuu isaga tagi doono horyaalka maraykanka.

34 jirka reer Brazil ayaa sheegay inuu ka ciyaari doono horyaalka dalkiisa gaar ahaan kooxda Sao Paulo oo uu sheegay inuu ka balan qaaday inuu u ciyaari doono.

“Xiliciyaareedka dambe waa kii iigu danbeeyay ee kooxda Orlando City, waan ka tagi doonaa kadib, mana u saxiixi doono heshiis cusub” ayuu yiri Ricardo Kaka.

“Haddii aan ku sii jiro garoomada oo aan dib ugu laabto Brazil, waxaan u ciyaari doonaa Sao Paulo, waxaa i soo gaaray dalabyo waa wayn, laakiin ma doonayo inaan fariisto kursiga keydka oo aan qaato kaliya lacag, ee waxaan doonayaa inaan ciyaaro”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close