Mathieu Debuchy oo dhaawac uga baxay Arsenal

(London) 27 Nov 2016 Daafaca reer France ee kooxda Arsenal Mathieu Debuchy ayaa wajahay nasiib xumo baahsan kadib markii laga saaray garoonka daqiiqadii 15-aad ee qaybtii hore.

Mathieu Debuchy ayaa galabta dib ugu soo laabtay Arsenal kadib mudo sanad ah oo uu kooxda uga maqnaa dhaawac iyo boos la’aan haysay.

Laakiin soo laabashadiisu ma noqon mid farxad leh kadib markii uu ciyaaray kaliya 15-daqiiqo ka hor intii uusan soo gaarin dhaawac kale oo u diiday inuu dhamaysto ciyaarta.

Tababare Wenger ayaana ku qasbanaaday inuu booska daafaca midig ka ciyaarsiiyo daafaca reer Brazil ee Gabriel.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close