EPL: Man United 1-1 West Ham: Kooxda Jose Mourinho oo barbarihii labaad oo xiriir ah ku gashay garoonkeeda Old Trafford… + SAWIRRO

(Manchester) 27 Nof 2016 – Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa barbarihii labaad oo xiriir ah ee horyaalka Premier League ku gashay garoonkeeda Old Trafford, waxaana ay caawa 1-1 la gashay West Ham United oo ay soo dhowaysay, kaddib barbarihii ay todobaadkii hore la gashay Gunners.

Man United ayaa lagu bilaabay goolka koowaad wax ka yar labo daqiiqo bilowgii ciyaarta waxaana laad xor ah oo uu soo qaaday Dimitri Payet madax ku dhaliyey Diafra Sakho kulanka ayaana sidaas ku noqday 1-0 ay ku gacan sarreysay West Ham.

Goolka barbaraha ayey la yimaadeen wiilasha tababare Jose Mourinho waxaana karoos uu soo qaaday Paul Pogba 21’daqiiqo madax ugu dhaliyey Zlatan Ibrahimovic, kulanka ayaana sidaas ku noqday barbaro 1-1.

Jose Mourinho ayaa tarabuunka la saaray markii uu caro ka muujiyey qalad loo dhigi waayey Pogba, waxaana la arkayey isagoo caagadaha biyaha laadyada, sidaas ayaana lagu kala nastay gar isku mid ah 1-1.

Qeybtii labaad ee ciyaarta markii dib la isugu soo laabtay labada kooxood ayaa fursado badan oo goolal loo filan karay sameeyey, laakiin kulanka ayaa waqtigii loogu tala galay ku soo dhammaaday barbaro 1-1.

Man United ayaa hadda fadhisa 6-aad ee Premier League, iyadoo 13 kulan oo ay ciyaartay uruursatay 20-dhibcood.

SAWIRRO:

cysdx64w8aabjur

cysftntxgae8erf

cysfu1cw8aev7vu

cysfvxgw8aeuuvl

cysfw8zxeaagrbh

cyspbvfwqaaejit

cyspcvvxuaapsj3

cyspdtqwiaulxgl

cyspewiw8aanc14

cysrhruxaaegyak

cyswggoweaappv0

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close