Vincent Kompany oo garoomada ka maqnaan doona wax kabadan hal bil

Kompany

(Manchester) 26 Nov 2016 Kabtanka kooxda Manchester City ee Vincent Kompany ayaa wajahaya dhibaato cusub kadib markii la xaqiijiyay inuu garoomada faarujin doono wax ka badan hal bil.

Laacib kaan reer Belgium ayaa dhaawac looga saaray kulankii kooxdiisu ay 2-1 uga adkaatay Crystal Palace sabtidii hore, markaas oo uu dhaawac ka soo gaaray dhanka seedaha.

Tababaraha reer Spain ee Pep Guardiola ayaa xaqiijiyay in dhaqtar Ramon Cugat oo ku nool magaalada Barcelona uu sheegay in Kompany uu garoomada ka maqnaan doono 4 ilaa 6 isbuuc.

“Dr Ramon Cugat wuxuu xaqiijiyay wixii ay sheegeen dhaqaatiirta halkaan, wuxuu maqnaan doonaa 4 ilaa 6 isbuuc” ayuu yiri Pep Guardiola.

Vincent Kompany ayaa ku soo bilowday xiliciyaareed kan kaliya laba kulan, kooxdiisa ayaana galabta la ciyaari doonta kooxda Burnley.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close