Muxuu uga dhignaa Sergio Aguero goolkii uu ka dhaliyay Burnley?

(Manchester) 26 Nov 2016 Weerar yahanka kooxda Manchester City ee Sergio Aguero ayaa goolka barbaraha u dhaliyay kooxdiisa daqiiqadii 37-aad ee dhamaadka qaybtii hore.

Aguero ayaana ka dhigay in qaybta hore ee ciyaarta lagu kala nasto 1-1 kadib markii Burnley ay gool uga naxsatay daqiiqadii 14-aad.

Goolkaas ayaa ahaa kii 32-aad ee Sergio Aguero uu dhaliyo 34-tii kulan ee u danbeeyay ee uu ciyaaray horyaalka ingiriiska.

Sergio Aguero ayaa ka hortagay Premier League 30 kooxood oo kala duwan, goolkii uu ka dhaliyay Burnley ayaa ahaa kooxdii 29-aad ee uu soo taabto shabaqeeda.

Kooxda kaliya ee Sergio Aguero uusan gool ka dhalin 30-kaas kooxood waa Bolton oo haatan aan ka ciyaarin horyaalka heerka koowaad ee ingiriiska.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close