EPL: Liverpool oo guul ka gaartay Sunderland hoggaankana u qabatay horyaalka, xilli Coutinho dhaawac lagu qaaday iyo kulamadii kale… + SAWIRRO

(Liverpool) 26 Nof 2016 – Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa guul 2-0 ka gaartay Sunderland oo marti u ahayd kulan ka tirsan Premier League, iyadoo kulankan uu ka dhaawacmay Reds xiddigeeda reer Brazil ee Philippe Coutinho.

Liverpool waxaa kulankan ka dhaawacmay 34’daqiiqo xiddigooda Philippe Coutinho, iyadoo laga dhex qaaday garoonka, waxaana bedelkiisa soo galay Divock Origi, waxaana dhaawaciisu uu u muuqday mid muruqa ah, kulankan ayaana lagu kala nastay barbaro goolal la’aan 0-0.

Kabtankii hore ee kooxda Liverpool Steven Gerrard ayaa daawanayey kulanka ka dhacay garoonka Anfield, iyadoo taageerayaasha Reds ee garoonka ku sugnaa ay sawirro la galayeen xiddigan.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta xiddigii lagu bedelay Coutinho oo dhaawac ku baxay ee Divock Origi ayaa gool u dhaliyey ciyaarta oo ay ka harsan tahay 15’daqiiqo, kaddib markii baas uu ka helay Jordan Henderson oo uu kasoo tuuray meel dadab ka ah goolsha Sunderland oo ay kubaddu shabaqa gashay.

Liverpool ayaa dhammaadkii ciyaarta heshay goolkeeda labaad waxaana u dhaliyey 90’daqiiqo James Milner kaasoo ahaa gool ku laad, kaddib markii Ibrahim Didier Ndong uu rigoore ku galay Sadio Mane oo ku jiray xerada ganaaxa kulanka ayaana ku soo dhammaaday 2-0 ay ku adkaatay kooxda Liverpool.

Kooxda Liverpool ayaana farqiga goolasha ku qabatay hoggaanka horyaalka Premier League inkastoo ay Man City wadaagaan min 30-dhibcood, iyagoo sugi doona natiijada ka soo baxda kulanka Chelsea iyo Tottenham.

Kulmadii kale ee la ciyaaray horyaalka Premier League:-

Hull City 1 – 1 West Bromwich Albion

Leicester City 2 – 2 Middlesbrough

Swansea City 5 – 4 Crystal Palace 

SAWIRRO:

cymxlvoweaalmpo

cymxmt6wiaajqy3

cymxn3gwqaakldg

cymxtkiw8aafmwe

cynaqlsxgaakclb

cynbkqzwqaa_zay

cynbwq5wgaaszzf

cynbwq-xaaekhti

cynbwrbwqaiztoo

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close