EPL: Kooxda Chelsea oo guul soo laabasho ah ka gaartay Tottenham, hoggaankana u qabatay horyaalka… + SAWIRRO

(London) 26 Nof 2016 – Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa guul soo laabasho ah ka gaartay naadiga Tottenham oo marti ugu ahayd garoonka Stamford Bridge, waxaana ay hoggaanka u qabatay horyaalka Premier League.

Kooxda martida ahayd ee Tottenham ayaa goolka la horreysay waxaana kubbad laad xoog leh oo uu ka soo tuuray bannaanka xerada ganaaxa u diray shabaqa Chelsea 11’daqiiqo Christian Eriksen, kulanka ayaana sidaas ku noqday 1-0 ay ku gacan sarreysay Spurs.

Inta aan la aadin qeybta nasashada kooxda Chelsea ayaa la timid goolka barbaraha waxaana Tottenham ka dhaliyey kubbad qurux badan Pedro Rodriguez, kulanka ayaana sidaas ku noqday gar isku mid ah 1-1.

Tottenham ayaa qeybta hore ku wanaagsanayd xagga baasaska iyo kubbad haysashada inkastoo lagu kala nastay barbaro 1-1.

Qeybtii labaad ee ciyaarta markii dib la isugu soo laabtay Chelsea ayaa hoggaanka ciyaarta la wareegtay, kaddib markii Diego Costa oo garab ka soo xarooday uu kubadda bannaanka u soo dhigay 52’daqiiqo  Victor Moses kaasoo shabaqa u diray kunasii dhacday mid ka mid ah xiddigaha Spurs sidaasna shabaqa ku gashay, kulanka ayaana sidaas ugu soo idlaaday  2-1 ay ku badisay Blues.

Kooxda Chelsea ayaana sidaasi hoggaanka horyaalka Premier League ugu qabatay 31-dhibcood, iyadoo hal dhibic ka sarre martay Man City iyo Liverpool oo wadaaga min 30-dhibcood.

Dhinaca kalena Chelsea ayaa noqotay kooxdii ugu horreysay ee Premier League ku garaacday Tottenham xilli ciyaareedkan iyadoo Spurs ay ahayd kooxda kaliya ee aan dhinaceeda dhulka la barin xilli ciyaaredkan.

SAWIRRO:

cyng1xcwiaakawo

cynty4kxcaagkiv

cynue6nwqaifllx

cynugh0wiaasrvn

cynuhctwgaiogvq

cynuhzewiaanmhf

cynvwhhw8aasc_p

cynyq0zxeaa4i_i

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close