Dekadda oo iska khasaarisay fursad ay hogaanka kula qaban kartay Banaadir

 kulann

(Muqdisho) 26 Nof 2016. Naadiga Dekadda ayaa is dhaafisay fursad ay hogaanka horyaalka Soomaaliya ee xilli ciyaareedka cusub kula qaban kartay kooxda Banaadir kaddib markii ay bar-baro 1-1 la dhaafi waysay Gaadiidka.

Goolasha ciyaartan ayaa la iska dhaliyay qeybtii hore.

kulan

Dekadda ayaa hogaanka qabatay kaddib markii uu gool caaqibo leh u dhaliyay dhaliyahooda Bile Muxudiin Buraale.

Balse Heegan ayaa ka biyo diiday sheekadaa oo waxaa goolka u bar-bareeyay Xuseen Yuusuf kubbad ka timid dhanka Koornada.

Dekadda ayaa iminka leh 4-dhibcood oo labo ayay u jirtaa Banaadir oo leh 6-dhibcood, halka ay Gaadiidka leedahay labo dhibcood maadaama ay bar-baro gashay labadii kulan ay ciyaartay horyaalka.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close