Daawo Sawirrada Kullankii dhex maray Gaadiidka iyo Dekedda

(Muqdisho) 26 Nof 2016. Kooxaha Gaadiidka iyo Dekedda ayaa kullan xiiso badan waxa ay ku wada yeesheen garoonka Banaadir, waxaana ciyaartaas ay ka tirsaneyd horyalka Soomaaliya.
Dekadda ayaa hogaanka qabatay kaddib markii uu gool caaqibo leh u dhaliyay xiddiga Bile Muxudiin Buraale, isagoo ciyaarta ka dhigay 1-0.
Wiilasha Otebaarka ayaa qaaday weeraro kala duwan iyagoo ugu dambeyn la yimid goolkii bar baraha waxaana u dhaliyay xiddiga Xuseen Yuusuf Dabaaso.
Dekadda ayaa iminka leh 4-dhibcood oo labo ayay u jirtaa Banaadir oo leh 6-dhibcood, halka ay Gaadiidka leedahay labo dhibcood maadaama ay bar-baro gashay labadii kulan ay ciyaartay horyaalka.
SAWIR QAADE: Mahad Shariif Jilacoow
Gool FM