AC Milan oo caawa ku badisay safkii ugu da’ yaraa muddo 30 sano ah!

(Empoli) 26 Nof 2016 – Manuel Locatelli ayaa sheegay in AC Milan waloow ay da’ yar tahay ay misna tahay “isku jir wanaagsan oo waaya arag iyo da’ yar ka kooban” iyagoo 4-1 ugasoo badiyay Empoli.

Kooxda safka XI ee ay AC Milan caawa ku badisay ayaa celceliska da’doodu waxay ahayd 23.6 sano – waana koox Rossoneri ah safkii ugu yaraa tan iyo 1985-kii.

“Waxaan nahay koox adag, isku jir wanaagsan oo ka kooban waaya arag iyo da’ yar, hadda waan fiicannahay, balse waa inaan kasii raynaa,” ayuu yiri 18-jirka khadka dhexe ee Locatelli oo la hadlay Milan TV.

b8

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close